Iyadoo shalay Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaliya ay soo bandhigtay Raashiin halaabay oo dowladda Masar ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa arintaasi ka hadlay maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay in Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ay hubiso Tayada ay leeyihiin Deeqaha Raashiinka ah ee ay dowladaha qaar shacabka Soomaaliyeed ugu u soo diraan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir in Wasaarada Arimaha Gudaha ay tixraac ku sameyso qaabka loo qeybiyo Deeqaha Raashiinka ah ee la siiyo shacabka Soomaaliyeed oo mararka qaar ay ka soo yeerto in Musuq maasuq lagu sameeyo Deeqaha qaar ee dadka dhibaateysan loogu tala galay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-