Allaha u naxariisee waxaa Saaka Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Axmed Muude Xuseen oo soo noqday Duqii Magaalada Muqdisho Sanadihii 1958-1963-dii.
Marxuun Axmed Muude Xuseen ayaa u dhintay Xanuun mudo yar hayay sida ay noo Xaqiijiyeen qaar kamid ah Ehelkiisa.
Sidoo kale Marxuun Axmed Muude ayaa Xubin Baarlamaan ka soo noqday Dowladdii Rayidka ee Madaxweyne Cabdi rashiid Cali Sharmaake.
Allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Axmed Muude Xuseen ayaa dhashay Sanadkii 1928-dii waxaana ay da’diisu aheyd markii uu dhintay 88 Sano.