Maraykanka oo sheegay in Saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa ay dileen kuwa kalana ay ku qabteen howlgal ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Xoogan oo Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee Maraykanka ay ka fuliyeen Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Weerarkan oo dhacay 10-ka ilaa iyo 13-ka bishaan ayaa lagu Dilay ugu yaraan 30 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, waxaana Dadka dhintay ki jiray Sarakiil sar sare, sida lagu dabacay Wakaalada Wararka ee Xinhua.

Xinhua oo soo xiganeysa Sarkaal ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in Weerrkii ka dhacay Magaalada Saakoow lagu beegsaday Xubno sare oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Hogaamiyaha Xarakada Al Shabaab, Abuu Cubeyda loo maleynayo in Weerarkaasi lagu Dilay amaa lagu qabtay, sida Wakaalada Xinhua ay daabacday.

Wakaalada Wararka ee Xinhua ayaa sidoo kale qeexday in Saraakiisha lagu Dilay Weerarkaasi ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarakada Al Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab iyo Sarkaale kale oo isna magaciisa lagu sheegay Abuu Cumar.

Hadalkaan ka soo yeeray Sarkaalkaan ka tirsan Mareykanka oo ay soo xigatay Xinhua ayaa waxuu ku soo beegmayaa xili mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ay shaaciyeen in 3 Hogaamiye lagu Dilay Weerarkii ka dhacay Magaalada Saakoow.

Mas’uuliyiintan ka tirsan Maamulka Juba oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa balan qaaday in ay soo bandhigi doonaan Hogaamiyeyaasha lagu Dilay Weerarkaasi.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Wararka la xiriira in Hogaamiyeyaal sare looga Dilay Weerar xoogan oo ka dhacay Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe.