Dowladda Uganda oo ciidamo Boolis ah u soo direysa Soomaaliya

0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah ay u soo diri doonto Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska dalka Uganda ayaa Commissioner Christine Alalo ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay u diri doonaan Soomaaliya oo Bilaha soo socda la filayo in ay ka dhacaan Doorashooyin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan ciidankan Tababar loo soo xiray, waxaana uu tilmaamay in ay ka qeyb qadanayaan sugida amniga Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda Ugand ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.