Shirkii Hormarinta Qorshaha Qaran oo Magaalada Beydhabo lagu soo gaba gabeeyay

0

Waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Beydhabo ee gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyay shirkii Hormarinta Qorshaha Qaran ee 2017-ka iyo 2019-ka.

Shirkan maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya, Wasiirada Qorsheynta maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno kale.

Shirkan oo qaatay Hal maalin oo kaliya ayaa waxaa looga hadlay Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka iyo sidii loo heli lahaa Qorshe Qaran oo dhameystiran.

Qaar ka mid ah wakiilada ka socday wasaaradaha dowlad gobaleedyada dalka ka jira ayaa soo bandhigay qorshayaal ku aadan adeegyada kala duwan ee ay u hayaan shacabka deegaanada maamulkooda uu ka arrimiyo, isla markaana u soo gudbiyay Wasaaradda Qorshaynta waxyaabaha ugu muhiimsan si loogu biiriyo Qorshaha Qaranka.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow, oo soo xiray shirka ayaa tilmaay in Qorshahan uu yahay mid wax weyn ka badali doona Soomaaliya.

Shirkan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay ay ka soo saareen War-murtiyeed ay isku raacaan.