Wararka ka imaanaya Waddanka Koonfur Africa ayaa waxay sheegyaan in halkaasi boob loogu geystay dukaamo ganacsato Soomaaliyeed ay lahaayeen,
Dhacdada waxay ka dambeysay kadib markii Xaafad ku taalla Magaalada Cape Town Dukaan Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen ay isku dayeen South African inay dhacaan laakiin Soomaalidii joogtay ayaa rasaas iskaga caabisey.
Waxey taasi ka dambeysay in Shacabkii Xaafadaasi oo careysan weerar ku qaadaan Dukaankii Soomaalidu laheyd oo Dukaamo kale oo Xaafadaasi ku yaallay iyaguna cagta la mariyey.
Ma ahan mid ku cusub in Dalka K/Africa lagu boobo dukaamo ganacsato Soomaaliyeed ku leeyihiin Waddankaasi Dawlada Zuma madaxweynaha ka yahana waxba kama aysan qaban arimahaan soo lab laabtay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-