Fanaanada Nasteexo Indho ayaa waxay ka hadashay Wixii ka qabsaday magaalada Hargeisa, waxayna sheegtay inay Ciidamo Hubaysan soo weerareen Halkii ay Bandhig Faneedka ku qaban lahayd, Iyadoona laga joojiyey saacad ka hor markii dadkii oo dhan ay meesha isugu yimaadeen.
Sidoo kale waxay ka warantay qaabka ay uga soo baxsatay magaalada Hargeisa, oo ay sheegtay in loo diyaariyey in Xabsi la dhigo, Waxayna Xustay inay howshaasi qayb ka ahaayeen Fanaaniinta Hargeisa iyo Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-
https://www.youtube.com/watch?v=TW8rPuT9pdg