Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladiisa mudada Afarta sano ay jirtay iyo waxyaabaha aysan weli ku guuleysan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax badan oo ay shacabka ka sugaayeen dowladiisa aysan qaban balse waxa uu sheegay in ay hormar balaaran ka gaareen dhinacyo badan.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay u dulqaataan dowlada isla markaana Dowladda uu hogaamiyo lagu amaano hormarada ay dalka gaarsiisay ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in inta dhiman la dhameystiri doono.
Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhaliilay in uusan fulin balan qaadyadii horay uu u sameeyay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-