Markii ugu horeysay tan iyo markii xilka madaxtinimada dalka Mareykanka uu qabtay Madaxweyne Obama, ayaa maxaabiis ku xirneyd Xabsiga weyn ee Guantanamo Bay loo wareejiyay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijisay maxaabiistaan in loo wareejiyay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Tirada Maxaabiista la wareejiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 15 ruux oo 12- ka mid ah yihiin maxaabiis u dhalatay dalka Yemen.
Saddexda kale oo aanan la sheegin rasmi ahaan dhalashadooda halka ay ka soo jeedo, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ku jiraan kuwa u dhashay dalka Afghanistan.
Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in Maxaabiistaan loo wareejiyo dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Xabsiga Guantanamo Bay ayaa ah xabsi ku yaalo dalka Cuba, waxaana maamula Dowladda Mareykanka, halkaasi waxaa ku xiran maxaabiis fara badan oo intooda badan loo haysto arimaha la xiriira argagixisada.
Maxaabiista lagu xiro xabsigaan ayaa la kulma ciqaab kala duwan oo ay kala kulmayaan Askarta gacanta ku haysa xabsigaan.