Taliye ku xigeenka gobolka Jubbada Hoose Aadan Maxamed Sharmaake ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Aadan Maxamed Sharmaake ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya , looga danleeyahay in lagu burburiyo saldhigyada iyo sidoo kale xarumaha ay leeyihiin Al-Shabaab.
Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in Shabaab loo geystay jab xoogan , islamarkaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay laba jibaareen howlgalada ay kula dagaalamayaan ururka Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmadda Sunguuni ayaa ah, mid strateji u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya
Sidoo kale howgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey ayaa lagu gubay Gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro ka mid ah Shabaab sida ay sheegtay wasaarada Difaaca.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-