Shir ku saabsan xiriirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Dalka Masar ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana ay is weydaaranayaan aragtiha Ganacsi iyo sida lagu horumarin karo ganacsiga labada dal.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socda dhanka Soomaaliya,sida Madaxda Rugta Gacansiga Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga waxaana ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya,sidoo kale dhanka Masaarida ka socda Safiirkooda Soomaaliya iyo xubno ka socda Wasaaradda Ganacsiga Dalka Masar iyo qaar ka mid ah Ganacsatada dalkaasi.
Ganacsatada Masaarida ah ayaa soo bandhigaya fikradaha Ganacsi ee ay hayaan,oo ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan Soomaaliya haddii la isku afgarto fulintiisa.
Shirikado Ganacsi oo Soomaaliyeed ayaa iyana ka qeyb galaya Shirkaasi,kuwaas oo iyana bandhigaya waxyaabaha ay qabtaan islamarkaana tusinaya Ganacsatada ka socota Dalka Masar.
Hoos ka Daawo Sawirada:-