Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,ayaa warbixinteeda billaha ah waxaa ay ku sheegtay in Bishii Julay ee la soo dhaafay ay sare u kaceen Soomaalida ka laabanaya Kenya ee dib ugu noqonaya dalkooda.
Hay’addu,waxaa ay sheegtay in tan iyo markii uu billowday howgalka dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee kenya ay dad gaaraya 19,500 Qof ku laabteen Soomaaliya ,kuwaas oo u badan dad iskood u dalbaday laabashada.
UNHCR,waxaa ay sheegtay in Dadka qaar ay Dhulka mareen halka kuwo kalena ay Diyaarad ku tageen meelaha ay ku laabteen sida Muqdisho.
Dad ku dhow 2,000 oo Qof ayaa sahan u tagay Soomaaliya ka hor inta aan la celin,waxaana ay qaarkood goosteen dib ugu laabashada dalkooda,halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan arag nolol dhaanta tan Dhadhaab ee laga celinayo,sidaa darteedna ay go’aansadeen in ay sii joogaan Dhadhaab.
Kenya oo wadashaqeyn la leh Hay’adda UNHCR,ayaa waxaa ay isla wadaan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dhadhaab,waxaana ay Kenya ku doodday inweerarrada ka dhanka ah Dalkeeda ee ay Al-shabaab fuliyaan laga soo abaabulo xeryaha Qaxootiga.