Madaxwaynaha Dalka Zambia oo mar kale la doortay

0

Madaxweynaha Dalka Zambia Edgar Lungu ayaa mar kale dib loo doortay kadib markii ay Dalkaasi ka dhacday doorasho.

Doorashadaasi ayaa waxay ahayd mid aad la isugu dhowaa, inkastoo uu mucaaradka ay sheegeen in wax la is dabamariyay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Madaxweynaha oo ka tirsan Xisbiga talada Dalka haya uu ku guuleystay in ka badan 50%, isaga oo ka adkaaday Hakainde Hichilema oo ka tirsan Xisbiga UPND, oo helay 48% codadkii la tiriyay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Esau Chulu ayaa sheegay in Madaxwayne Lungu si caddaalad ah loo doortay, in katoo Xubnaha Xisbiga Hichilema ay tuhunsan yihiin in qiyaano ay ka dhacday doorashada, waxayna sheegeen inay Maxkamadda sare u gubdin doonaan codsi ka dhan ah natiijada doorashada.

Ku xigeenka afhayeenka Xisbiga UPND Cornelius Mweetwa oo Xildhibaan ah ayaa isna sheegay in ay doorashadaasi waxa ku arkeen  ay ahayd boob iyo in rabitaaankii shacabka la xaday.