DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo codsaday in la Tayeeyo ciidanka Booliska, Hal Arrina ka codsaday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya

0

Iyadoo shalay maamulka Jubbaland lagu wareejiyay Qalab isgaarsiineed oo ay ku wada xiriiraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in muhiim ay tahay tayeynta iyo mideynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Axmed Maxamed Islaaam Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay yihiin laf dhabarta iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed loona baahan yahay in mar walba ay helaan qalab casri oo ay ku xiriiraan, isagoo si gaar ah dowladda uga dalbaday dowladda in ay hormariyaan ciidanka Booliska ee Dowlada Goboleedyada.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland hadii ciidanka Booliska ay helaan tababaro joogto iyo jadwal sax ah oo ay ku shaqeeyaan in hormar wanaagsan la gaari doono.

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu qalab Raadiye ah uu ku wareejiyay Madaxweynaha Jubbaland oo u sahlaya in ay si fudud ula xiriiraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-