Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan raali ka aheyn in la carqaladeeyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Xasan Sheekh Maxamed Madaxweynaha Soomaaliya oo u waramay TV-ga Horn Cable ayaa wareysigiisa wuxuu ku sheegay in aysan cudur daar laheyn dadka carqalada ku haya dadka noloshooda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay hadii ay jiraan dad doonaya in ay cabiraan ra’yigooda siyaasada in laga doonayo in ra;yigooda ay si nabad ah ku cabiraan, isagoo intaa ku daray in nabad iyo deganaansho ay ka jirto dhulka ay degaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu markiisii ugu horeysay booqasho rasmi ah uu ku tagay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.
Hoos ka Dhageyso Codka:-