Maamulka Galmudug ” Waxaan diyaar u nahay Wadahadal inaan la furno Maamulka Ahlusunna Waljamaaca”..

0

Wasiirka Dasuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan xilligaan Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna.

Cismaan Maxamed Cali Wasiirka Dasturka Galmudug ayaa xusay in  cid kasta oo wax ka qabaneysa Galmudug ay diyaar u yihiin in ay la furan wadahadal dhab ah si looga baaqsado Dagaallo ka dhaca Gobolka Galgaduud.

Isagoo sii hadlayay Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxa uu carabaabay in deegaanada Galmudug ay iminka ka socdaan Ololaha soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya u matalaya maamulka Galmudug.

Si kastaba Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca oo Shabelle ay wareysatay ayaa meesha ka saaray in wax wadahadal ah ay la galayaan Galmudug oo ay ku sheegeen Maamul Gacan ku rimis ah.