FBI-da oo Dabagal ku haya Soomaali Mareykan weerar geysatay iyo Baaritaano dheeraad ah oo socda

0

Federal Bureau of Investigation ee loo soo gaabiyo FBI-da ayaa baaritaano ku haya Koox Soomaali Mareykan ah oo la sheegay in Bishii June ee sanadkan ay weerar ka geysteen Goob maqaaxi ah oo ku taala meel lagu magacaabo Sawina oo u dhow magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Kooxda Soomaali Mareykanka ayaa la sheegay in ay Rasaas ku fureen Maqaaxida oo xilligaasi ay aheyd mid mashquul badan oo dad badan ay ku jireen, waxaana halkaasi ay ku dileen 2 Qof halka Qof kalena uu ku dhaawacmay.

FBI-da dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan sidii uu u dhacay weerarka iyo sidoo kale xoogagii geystay, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay dib u daawadeen Camerada loo yaqaano CCTV oo ku xiran goobaha sida gaarka ah ay dadka isugu yimaadaan.

Hay’adda Dambi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay hada gacanta ku hayaan Labo dhalinyaro oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin xoogaga buracdka ah ee weerarka ku qaaday goobta maqaaxida ah.

Booliska Minneapolis iyo Wakiilka gaarka ah ee FBI-da ayaa si wadajir ah u sheegay hadii dhalinyaradan gacanta lagu soo dhigo si toos ah loo soo taagi doono Maxkamadda Degmada ee lagu magacaabo Hennepin County.