Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan dalka iyo sidoo kale wadahalada lagu wado in ay dhawaan dhexmaraan maamulka Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlu sunah.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in safarkiisa Cadaado uu ku qotomo in uu wax ka ogaado sida ay maamulka Galmudug ugu diyaar garoobeen doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay uga mahadcelinayaan wasiirka safarka uu ku yimid magaalado Cadaado , islamarkaana maamulka Galmudug ay dowladda Soomaaliya waxyaabo badan uga baahan yihiin.
Hoos ka Daawo Sawirada:-