DHAGEYSO:- Maamulka Somaliland oo baaq u dirtay shacabka ku nool Magaalada Buuhoodle, uguna yeertay iney ka soo baxaan Khaatumo

0

Iyadoo dhawaan ay maamulka Khaatuma Shaaciyeen in ay wadahadal la galaayaan maamulka Soomaliland ayaa maanta magaalada Buuhoodle  waxaan gaaray madax ka tirsan maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka Caafimaadka maamulka Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Somaliland Saleymaan Ciise Xaglatoosiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle oo  xarun u ah maamulka Khaatuma.

Wasiirka ayaa sheegay u jeeda safarkiisa in ay tahay in uu kulanka la qaatay waxgaradka reer Khaatuma ee ku sugan magaalada Buuhoodle.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka kasoo jeeda maamulka Khaatuma ay ka tashadaan sidii ay ugu biiri la haayeen maamulka Somaliland oo ay wadahal hada kula jiraan.

Dhawaan ayey ahayd markii maamulka Somaliland ay shaaciyeen in ay wadahadal kula jiraan maamulka Khaatuma oo ka arimaya degmooyin ka mid ah gobolka Sool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-