TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya u Jooga ayaa ka wada hadlay doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa Jadwalka doorashada ee horay loogu heshiiyay.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen Howlaha Mashaariic ee ka soconayo Soomaaliya iyo sida ay beesha Caalamka ugu diyaarsan tahay iney sii wado taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin in doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale kulanka loogu hadlay sidii Beesha Caalamka ay door muuqda ugu yeelan lahayd doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wakiilada beesha Caalamka ay balan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Xubno ka socday Maamul goboleedyada ka jira Dalka, iyo Wakiilo ka socday beesha Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-