War ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerar ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo lagu Dilay Sarkaal ka tirsanaa Xoogaga Dalka Mareykanka.
Dilka Sarkaal Mareykanka oo ay sheegteen Al Shabaab ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo kuwa Ajaaniib ah ay Weerar ku qaadeen fariisimo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Cabdalla-Biroole ee Duleedka Magaalada Kismaayo.
Warkan ayaa lagu daabacay Warbaahinta ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab.
Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada Soomaaliya oo ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah in ay Dileen Sarkaal ka tirsanaa Xoogaga Mareykanka.