Dalka Turkiga waxaa Bil ka hor ka dhacay Afgambi fashilmay kaas oo saameyn weyn ku yeeshay dhinacyo badan oo ka mid ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Guud ahaanba waxaa isbedal xoogan uu ku yimid laamaha kala duwan dowladda oo si weyn looga dareemay saameynta ka dhalatay Afgamabigii dhicisoobay.
Kadib Afgambigii fashilmay dowladda Turkiga waxa biloowday howlgal xoogan oo lagu doonaayo in Afgembigii fashilmay mid la mid ah uusan ku soo laaban dalka Turkiga.
Dowladda waxa ay qaaday tallaabooyin kala duwan oo ay uga falcelinaysay wixii ka dhacay dalkaasi Turkiga.
Ammaanka .
Kadib Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga oo waxaa lumay ammaankii iyo xasiloonidii lagu yaqaanay dalka Turkiga , waxaana shacabka dalka Turkiga soo wajahday cabsi xoogan oo sababtay in amnigooda uu qal qal galo kadib markii ay dowladda biloowday howlgalo aan joogsi laheyn oo lagu soo qab-qabanaayo kooxaha lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen afgambigii fashilmay ee Turkiga , dad badan oo Turkish ayaa u baxsaday dhanka Greeca si ay uga badbaadaan howlgalada iyo sidoo kale xiisada dalkaasi ka jira.
Dhaqaalaha.
Hay’addaha kor kala socdo dhaqaalaha dalka Turkiga ayaa ku waramaya in hoos u dhac aad u ballaaran uu ku yimid dhaqaalaha dalka Turkiga tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga, waxaa istaagay ilo badan oo ay dhaqaalo ka soo gali jireen dowladda, waxaa sidoo kale shaqo waayay Boqolaal ka mid ah shacabka Turkiga oo uu saameeyay afgambiga kadib markii ay dowladda xirtay xarumo kala duwan oo ay ka shaqeyn jireen ,waxaa sidoo kale shaqo gabay shirkadihii iyo sidoo kale hay’adahii dowladda u qaadi jiray arimaha canshuuraha.
Waxbarashada.
Waxaaa ka mid ah kaabayaasha la oran karo afgambigii Fashilmay ee dalka Turkiga waxa uu ku yeeshay saameyn muuqata , waxaa albaabada loo laabay boqolaal ka mid ah xarumaha waxbarashada dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Jaamacaddo, Iskuulo Hay’ado, iyo sidoo kale xarumo kale oo waxbarasho kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiiin wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga , sidoo kale dowladda Turkiga waxay amar ku bixisay in la xiro xarumo waxbarasho oo ku yaala dalalka caalamka oo dowladda Turkiga ay sheegtay in ay maamusho hay’adda NILE oo uu leeyahay wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii turkigii Futxulaahi Gullen.
Ciidanka.
Ciidanka dowladda Turkiga oo ahaa kuwii qaarkood lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen afgambigii dhicisoobay ayaa ka mid ah kuwo ay soo gaartay waxyeelada ugu badan ee saameynta afgambiga.
Kumaanaan ka mid ah ciidanka ayaa xabsiga la dhigay , kuwo kale shaqada ayaa laga joojiyay ,qaarkalena jahwareer ayey ku jiraan , waxaa la xiray guud ahaanba xarumihii ay ku tababaran jireen ciidamada kala duwan ee dalka Turkiga ,waxaana Madaxweynaha uu amar ku bixiyay in aan ciidan la tababari karin ilaa amar dambe.
Qaar badan oo ka mid ah ciidanka ayaa wali qaba shaki weyn oo ku aadan in looga shakiyo in ay ka dambeeyeen afgambigii dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa go’aamiyay in la hoos keeno ciidamada kala duwan ee dalka Turkiga , dowladda waxay gacanta ku dhigtay askar badan oo lagu tuhmaayo in ay afgambiga ku lug lahaayeen.
Guutadii qaabilsaneyd ammaanka Madaxtooyada dalka Turkiga ayaa la kala diray, kadib markii looga shakiyay inay door muuqato ku lahaayeen Afgambga dhicisoobay ee 15-kii Bishii aynu soo dhaafnay ka dhacay dalkaasi.
Xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub.
Waxaa xumaaday xiriirka Turkiga iyo sidoo kale qaar ka mid ah wadamada Midowga Yurub , kadib markii ay dhaliileen howlgalka aan joogsi laheyn ee lagu xiraayo Askarta iyo sidoo kale dadka kale ee lagu eedeeyay in ay xariir la leeyihiin wadaadka dagan dalka Mareykanka ee lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa hadal uu ka jeediyay Ankara waxa uu ku sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay inay ku bogaadiyaan Turkiga sida uu uga hortagay Afgembiga..
Turkiga waxa uu u hantaagaya in uu ka mid noqdo wadamada Yurub sidaas darteed waxaa laga rabaa ilaalinta iyo ku dhaqanka xeerarka xuquuqda aadanaha ee waddammada xubnaha ka ah qaaradda Yurub.
Dowladda Turkiga waxay doonaysa in ay dib u soo celiso sharciyo badan oo horay loo laalay oo ay ka mid yihiin daldalaada iyo sidoo kale dilalka toogashada ah , kuwaas oo oo aysan ogoleyn Midowga Yurub.
Mareykanka iyo Turkiga.
Ninka lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga waxa uu degan yahay dalka Mareykanka , dowladda Turkiga ayaa Mareykanka ka codsatay in gacanta loo soo geliyo Futxulaahi Gullen oo ku nool dalka Mareykanka , kadib markii saddex jeer ay teleefoonka ku wada hadleen labada Madaxweyne.
Dowladda Mareykanka maysan bixi jawaab qancin karta dowladda Turkiga , taas oo ah in ay gacanta u soo gelinayso ninka lagu eedeeyay afgambiga .
Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa madax ka tirsan dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay wax ka og yihiin afgambigii fashilmay , taasna waxaa suurta gal in ay xumeyso xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Turkiga iyo Warbaahinta
Dowladda Turkiga ayaa amartay in la xiro xarumo badan oo Warbaahineed kuwaas oo oo la sheegay in uu saameeyay Afgembigii fashilmay ee dalka Turkiga.
Saddex wakaaladood, lix iyo toban teleefishan, shan iyo afartan Wargeys, shan iyo toban Jariidadood iyo sagaal iyo labaatan xarumaha daabacaadda ah ayaa la xiray.