Gaari ay wateen kooxo hubeysan oo ay cayrsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku qarxay isgoyska Siinay oo u dhexeeya degmooyinka Yaaqshid iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo baacsanaayay kooxo hubeysan oo watay gaari ay gaarigii ka carareen ka dibna uu gaarigii sidaasi ku qarxay.
Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay Ciidanka Ammaanka ayaa fashiliyeen Gaarigaasi oo ay saran yahiin waxyaabaha Qarxa ,Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Umadda Soomaaliyeed.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sidaan” Waxaan arkaayay gaariga oo ku qarxay isgoyska Siinaay , Qarax xoogan ayuu ahaa kaalin shidaalna waxyeelo ayuu soo gaarsiiyay dadna way ku dhaawacmeen aniga intaas ayaa arkay ” waxaa sidaasi Yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.