Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saakay lagu wadaa in uu gaaro deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha Soomaalilnad ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay magaalada Laas-caanood ay kulamo kula qaadan doonaan xubno ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo horey halkaasi u gaaray.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa shalay gaaray gobolada Bari waxaana uu kulamo la qaatay bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan halkaasi.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland C/laahi Saxardiid Cadaani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay safarka Madaxweynaha uu ku gaari doono gobolka Sool ujeedkiisa in uu yahay sidii dadka halkaasi ku nool uu ugala hadli lahaa arimaha Doorashooyinka.