Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda ay shir ka yeeshaan xaalada iyo isbadalka Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.
John Kirby oo ah Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa waxuu sheegay in Mr. John Kerry in booqasho ku tagi doono Dalalka Kenya, Sacuudiga iyo Nigeria.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeen Kirby waxuu tilmaamay in John Kerry markii uu gaaro Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uu halkaasi ka bilaabi doono kulamo kala duwan.
Kulamadan dhexmari doona John Kerry iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa todobaadka soo aadan lagu faaqi doonaa isbadal siyaasadeed ee laga dareemayo Dalka Soomaaliya.
Mr. Kerry ayaa sidoo kale loo maleynaa in uu Madaxda Kenya kala hadli doono arimaha ku aadan qorshaha Dowladda Kenya ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay boqolaal kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin.
Sikastaba, Weli lama oga hadii mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonaan wada hadalka Magaalada Nairobi ku dhexmari doono Madaxda Dalalka Kenya iyo Mareykanka.