Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaal-ka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xussen Odawaa ayaa ugu Baaqay Madaxda Maamulka Ahlusun ee Gobalka Galgaduud Wada Hadal Xal loogu Raadinayo Khilaafka Siyaasadeed ee kala Dhexeeya Maamulka Galmudug Kaasi Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay garwadeen ka Noqonayso.
Wasiir Odawaa ayaa Sheegay in Xiligaan la joogo Waqtigii Wixii Tabashooyin ah oo jira Wada Hadal lagu Xalin lahaa Labada Dhinac Dhexmaray si Meesha looga Saaro Khilaaf Siyaasadeed ee Sababay inay kala Qoqobmaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb ee Gobalka Galgaduud.
“Waxaan Halkaan Baaq uga Dirayaa Walaalaheena Dhuusa-mareeb Aniga ayaa Dowlada Dhexe ku Matala, Madaxdii Galmudug u Matashayna waa joogaan waxaa leeyahay Wixii Khilaaf ah oo noo Dhexeeya aan Wad hadal ku Dhamayno sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa in Dadka is la dhashayna aan la kala reebin ee lays ku soo daro hadii ay Wax tabanayaan Toban goor baan sheegnay hada waan ku celinayaa Dowlada Dhexe iyo Maamulka Galmudug waan ka qacinaynaa Ahlusuna” Sidaas waxaa yiri Wasiir Odawaa
C/raxmaan Odwaa Wasiir Arimaha Gudaha Dowlada Federaal-ka Soomaaliya ayaa Maalmihii dambe ku Sugnaa Magaalada Cadaado halkaas oo uu kulamo kula qaatay Madaxda Maamulka Galmudug,Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka Galgaduud oo ay ka wada hadleen Arimo badan oo ay ka mid yihiin Xalinta Colaad Beeleedyada Beelaha Gobalkaasi iyo Sidii uu Dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna ugu Wada hadal uga Dhex bilaabi lahaa Si khilaafka ka Dhexeya Xal loogu raadiyo ka hor inta aan lagaarin Waqtiga Doorashooyinka Dadban ee dabayaaqada Sanadkaan Soomaaliya ka qabsoomaysa.