Waxgaradka ku nool gobolka Mudug ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka taagan deegaano ka tirsan gobolka gaar ahaan deegaanka Balibusle taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo.
Waxgaradka oo maanta ku shiray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen jiijinta colaada ka taagan gobolka Mudug.
Waxa ay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii ay ku joojin lahaayeen dagaalkan waqtiga badan qaatay ee weli u dhaxeeya labada maleeshiyo.
Dagaal beeleedyada ka dhacay Balibusle aya sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee ay colaada dhexmartay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-