Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan ayaa booqasho ku maraya deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweyne Siilaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu shacabka gobolka Sool kala hadlo Arrimo la xiriira doorashooyinka ka dhacaya deegaanada Somaliland iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland uu la kulmo beelihii ku dagaalamay Koofurta Gobolka Sool.
Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaano ka tirsan gobolka.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka qeyb qaato wada hadalada u socda Maamulada Somaliland iyo Khaatumo eek u aadan colaadii ka dhaxeysay mudooyinkii dambe.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan ayaa horay u booqday deegaano kale oo ka tirsan gobolada Bari ee Somaliland.
Hoos ka Dhageyso Codka:-