TACSI: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Soomaaliya Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar.

0

Innaa Lillaahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi u diray Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii iyo Qaraabadi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo maanta 20-08-2016 ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana uu alle Subxaanahu Watcaalaa uga baryay inuu janadii fardowza ahayd ka waraabiyo.

Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxa uu ku tilmaamay Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar Geesi Halyey ahaa oo ka baxay guud ahaan ummada Soomaaliyeed, isagoona xusay in Marxuum Xildhibaan Maxamed Cali Samatar uu door muuqda ka qaatay dhisida ciidamo awood leh iyo dowlad midnimo oo ku baahsan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale R/wasaarihi Hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdon (Saacid ) ayaa alle Subxaanahu Watcaalaa waxay uga baryay in uu dhammaan Ummada Soomaaliyeed qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii iyo asxaabti uu ka geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar inuu samir iyo imaan ka siiyo, sidoo kalena in Alle Subxaanahu Watacaalaa Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar Janadii Fardowza ahayd uu ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin