Golaha Amaanka ee Q.M oo ka digay in mar kale ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, Fariin Canaana usoo diray Madaxda Soomaalida

0

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in mar kale ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya kadib markii muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhamaaday islamarkaana Guddiga doorashad Soomaaliya ay billowgii Bishan August ku dhawaaqeen in ay doorashada dib u dhacday.

Warbixin laga soo saaray Xafiiska Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kuna saxiixanyihiin 15 dal ee xubnaha ka ah ayaa lagu muujiyay sida Golaha uu uga walaacsan yahay dib u dhac kale oo ki yimaada doorashad Soomaaliya.

Waxaa ay ku baaqeen in Siyaasiyiinta Soomaalida ay qadariyaan heshiiskii Bishan August  ay gaareen ee ahaa in doorashada ay ku dhamaato October,sidoo kalena 2020-ka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah taas oo ay sheegeen in ay tahay go’aan ka yimid Soomaalida loogana baahan yahay in ay sidiisa u dhaqan geliyaan.

Guddiga doorashad Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in inta u dhaxeysa 24ka Septmber ilaa 10-ka October la  soo xulayo Xildhibaannada,25-ka Octoberna la dooranayo Afhayeenka Baarlamaanka halka 30-ka October la dooranayo madaxweynaha,waxaana ay xubnaha Golaha amaanka wal wal ka muujiyeen in aysan sida uu jaantuska cusub dhigayo ay wax u dhacaan.