John Kerry oo Dowladda Kenya kala hadli doona Doorashada Soomaaliya

0

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan uu dalkaasi tagi doono Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka John Kerry.

Safarka John Kerry waxaa lagu sheegay inuu madaxda dalkaasi gaar ahaan M/weynaha Uhhuru Kenyatta iyo dhigiisa Aamina Max’ed uu kala hadli doono xoojinta taageerada la siiyo dawladaha dariska Kenya la ah sida Soomaaliya oo kale.

Wargeyska The Star ayaa qoray in xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanku uu waxyaabaha uu kala hadlayo madaxda Kenya ay ka mid tahay in xukuumadda Kenya taageerto doorashooyinka Soomaaliya ka dhacacaya sanadkaan iyo la dagaalanka xarakadda Al-Shabab.

Sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin siyaadda dalka K/Sudan ayay sidoo kale ka wada hadli doonaan.