TOP NEWS:- Soomaaliya oo Kaalinta Sagaalaad ka gashay Wadamada Adduunka u Amni Xun

0

Warbixin dheer oo ay diyaarisay hay’ad ka faaloota arrimaha amaanka oo ay kaga hadashay tobanka wadanka ee dunnida ugu amniga xun ayaa waxaa qeybta dambe ee liiska kasoo muuqday dalka Soomaaliya.

Warbixintaan oo ay diyaarisay hay’adda la yiraahdo Global Peace Index ayaa waxaa ay ku sheegtay inay heerka amaan xumo ee dunnida sanadkaan ka dhacay ay ku qiimaysay sida ay dadka rayidka ugu waxyeeloobeen ama xataa uu u sameeyay dadka rayidka.

Kaalinta koowaad warbixintaan waxaa ka galay dalka Syria halka 2,3,4, iyo 5,na ay kala galeen wadamada Ciraaq, Afghanistan Pakistan iyo jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Soomaaliya ayaa warbixintaan ka gashay kaalinta 9,aad waxaana ka dambeeyay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Hay’adda warbixintaan diyaarisay ee Global Peace Index waxaa ay sheegtay in wadamada warbixinyaan kusoo baxay ay saameyn weyn ku yeesheen ururo hubeysan oo dagaal adag ku jira kuwaasoo mararka qaar aan kala soocin dadka rayidka ah iyo dadka ay is hayaan.

Dalka Koofurta Sudan oo hay’addu ay warbixintaan ka geysay booska 6,aad waxaa ay sheegtay in dadka ku dhintay ay ka badan yihiin 300,000 tan iyo waagii uu madaxbanaanidiisa qaatay.

Soomaaliya hay’addu waxay sheegtay inay willi ka jirto xaalad halis ah oo ay Al-Shabab ku hayaan ciidanka dawlada iyo caawiyaashooda AMISOM.

Soomaaliya oo ay dawlad dhexe ka jirin in muddo ah waxaa ay dad badan u arkaan inay kaalinta 9,aad ka gasho tobanka wadanka ee dunnida ugu amaanka xun inay tahay xaalad rajo galinaysa dadka Soomaaliyeed maadaama ay jiraan 8 wadan oo ka amaan xun.