Warar laga soo xigtay Ururka Al-Qaacidda ayaa sheegay in Dowladda Pakistan ay sii deysay laba gabdhood oo uu dhalay Hoggaamiyaha Ururkaasi Dr Ayman Al-Dawaahiri iyo gabar kale oo uu dhalay Sargaal ka tirsan Ururkaasi oo lagu Magacaabo Murjaan Saalim.
Sida ay wararku sheegayaan, Seddaxdan gabdhood iyo Carruurta ay dhaleen oo ay horey u xirtay Dowldda Pakistan waxaa lasii daayay horraantii bishan August, waxaana sii deyntooda ay ka dambeysay kadib markii Ururka Al-Qaacidda ay dhankooda sii daayeen Maxbuus Pakistani ah oo ay hayeen.
Ururka Al-Qaacidda ayaa sheegay dhammadkii bishii lasoo dhaafay in laba gabhood oo uu dhalay Sheekh Ayman iyo gabar uu dhalay Sheekh Murjaan Saalim oo isna ka tirsanaa hogaamiyeyaasha Al-Qaacidda in Sannad iyo bar ka hor lagu qabtay dalka Pakistan.
Gabdhaha uu dhalay Sheekh Ayman oo la kala yiraahdo Umeyma iyo Faadhima waxaa ka dhintay laba dagaalme oo ka tirsanaa Ururka Al-Qaacidda, kuwaas oo kala ahaa Abuu Basiir Al-Urduni iyo Abuu Dujaana Al-Baashaa, waxayna labadooduba ku dhinteen duqeymo ka dhacay Gobolka Waziristaan ee kuyaalla xadka ay wadaagaan dalalka Afghanistan iyo Pakistan.