Laba Ruux ayaa ku geeryootey tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta dabley hubeysan ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay Dableyda weerarka soo qaaday iyo sidoo kale ciidamada amaanka Garoonka, waxaana la sheegay in uu ku geeryoodey iska hor imaadkaas Hal ruux oo ka tirsan ilaalada Garoonka iyo mid kale oo ka tirsan oo Dableyda weerarka soo qaaday.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaadaas sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo halkaasi ka akdhowaa markii dagaalka dhacayay.
Ilaa iyo hada majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool hayeeshee Waxgaradka magaalada iyo maamulka ayaa wada waan waan lagu heshiisiinayo ladada dhinac.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay maamulka magaalada Laas-caanood ay kordhiyeen canshuurta laga qaado Qaadka la keeno magaalada Laas-caanood.
Hoos ka Dhageyso Codka:-