DHAGEYSO:- John Kerry oo Maanta booqanaya Dalka Kenya iyo Madaxda Soomaalida oo Kulan gaar la qaadan doono

0

Xoghayaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka john kerry ayaa maanta la filayaa inuu booqasho ku yimaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada Nairobi lagu soo daadiyay ciidamo dheeraad ah kuwaas oo adkeynaya amaanka.

Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay aad u adkeeyeen amaanka dalka Kenya gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha, xarumaha dowladda, Hotelada waa weyn iyo goobo kale oo muhiim ah si looga hortago weeraro ka imaan kara Shabaab.

Xoghaya Arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry ayaa maanta booqasho ku imaanaya dalka kenya, waxaana uu Madaxweynaha dalka kenya uu kala hadli doonaa la dagaalanka argagixisada, arimaha Qaxootiga iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale john Kerry ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya Soomaalia, kuwaas oo uu kala hadli doono arimaha Dooraashooyinka Soomaaliya 2016-ka iyo amniga.

John Kerry ayaa dalka Kenya uga sii gudbi doona wadamada Nigeria iyo sidoo kale Sacuudi Carabiya halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaas.

Hoos ka Dhageso Codka:-