Kulanka Baarlamaanka ee Maanta oo ka duwanaan doono Kulamadii hore { Akhriso Sababta}

0

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu yahay mid gabaabsi ah, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Golaha Shacabka ee maagalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo dhowr ah oo horyaala Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin su’aalo ay xildhibaanada Baarlamaanka weydiinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku Xigeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii wuxuu ka sheegay in Isniintan maanta ah ay su’aalo weydiin doonaa Gudoonka Baarlamaanka.