Guddiga amniga Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay ka hadleen amniga guud ee deegaanada koonfur galbeed.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaano fara badan oo ka maqnaa, sidoo kalena ay wadaan hada dadaalo ku aadan sidii kuwa ka maqan ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Wuxuu sheegay in Shabaab Hal maalin aan laga guulesyan karin balse loo baahan yahay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab siiyaan ciidanka si looga guuleysto Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab hada ay bilaabeen in ay ku dhuumaaleystaan shacabka dhexdooda taasina ay muujineyso in awoodooda ay hoos u sii dhaceyso.
Hadalkan ayuu Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay kulan looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed oo ka dhacay deegaanada Magaalada beydhabo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-