Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa loo duuliyay isbitaal ku yaal dalka Koofur Afrika kadib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay xanuunsanayay.
Wararka ayaa sheegaya in Kibaki la dhigay mid kamid ah isbitaalada ugu waaweyn ee dalka Kenya Karen Hospital balse qoyskiisu ay go’aansadeen in si deg-deg ah loogu qaado dalka Koofur Afrika.
Kibaki oo 84 sano jir ah ayaa la sheegayaa in xanuunka uu kaga soo booday maskaxda halka wararka qaarna ay tilmaamayaan in laga yaabo in xidid furan ama stroke uu ku dhacay.
Qoyska Kibaki ayaa diiday inay faahfaahin ka bixiyaan xaalada caafimaad, ciidamada Booliskana waxa ay u diideen weriyaasha in ay gudaha u galaan isbitaalkii lagu daweynayay.
Kibaki ayaa muddo toban sano ah ka ahaa Madaxweyne dalka Kenya kahor inta uusan xilka ka dagin sanadkii 2013.