Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey, iyadoo ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo si weyn loo adkeeyay.
Madaxweyne ku xigeenka iyo Wafdiga la socday ayaa tagay Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo oo ay yaalaan dadkii shalay sida xun ugu dhaawacmay weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaaladaasi.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka ayuu Madaxweyne ku xigeenka ka dhageystay warbixin la xiriirta xaalada caafimaadka bukaanada qaraxa ku dhaawacmay.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray Dhaqaatiirta Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo inay soo gudbiyaan liiska dadka dhaawacyadooda aanan waxba looga qaban karin Magaalada Gaalkacyo, si daryeel caafimaad meelo kale loogu raadiyo.
Intaasi kadib ayuu Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha dhanka ammaanka Magaalada Gaalkacyo oo uu kala hadlay xaalada amni.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka oo mar wax laga weydiiyay Gaarigii koowaad ee Qarxay in ay waday Qof Haweeney ah, wuxuu ku jawaabay in arimahaasi aysan waxba ka jirin oo Gaariga uu waday Nin sida saraakiisha amniga ay sheegeen.