Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Nin Oday ah Galinkii Dambe ee Shalay ku Gowraceen Tuulada Ceel-cali oo ka tirsan Gobolka Galgaduud una dhaw Degaanka Galcad.
Ninka Odayga ah ayaa lagu Magacaabi jiray Axmed Maxamed Daangaab sida ay noo Xaqiijiyeen Dadka Degaanka.
Al-shabaab ayaa la sheegay in Odayga ay Gowraceen ku Eedeeyeen inuu Hub uu lahaa ku Taageeray Maleeshiyaad Taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana Degaankaas ka soo jeeda.
Meydka Ninka Odayga ah ee la sheegay in Shabaab ay Gowraceen ayaa weli yaala Goobtii lagu dilay,waxaana Dadka Degaanka ay ka Cabsi qabaan in hadii ay qaadaan Meydkiisa in dhibaato loo geysto sida laga soo Xigtay dad deegaanka ah oo diiday in Magacooda Warbaahinta loo Adeegsado.