Ciidamada amaabka magaalada Garoowe ayaa waxa ay howlgal ka sameeyeen magaalada,, waxaana lagu soo qab qabty dhalinyaro looga shakiyay in ay lidi ku yihiin amniga. Sida saraakiisha ay warbaahinta u sheegeen.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qab qabtay baaritaano ay ku socdaan sidoo kalena la sii deyn doono cidii dambi lagu waayo, halka kuwii dambi lagu helana sharciga la marsiin doono.
Shalay ayay aheyd markii weerar Qaraxyo loo adeegsaday lagu qaaday xarunta dowladda Hoose iyo suuqa Dayax oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana weerarkaas ku dhintay 30 Qof halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-