DHAGEYSO:- John Kerry oo Madaxda Kenya kala hadli doona dagaalka Al-Shabaab

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa waxa uu Madaxweynaha Kenya kala hadlayaa la dagaalanka Argagixisada iyo arimaha Qaxootiga.

John Kerry ayaa Sideed Wasiir oo ka socda dalalka Afrika kula kulmaya dalka Kenya ,isagoo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Wada hadaladaasi  ayaa diirada lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa Arrimaha Soomaaliya iyo dagaalka sokeeye ee mar kale ka dilaacay magaalada Juba ee Caasimadda Konfurta Sudan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry, ayaa goor dambe ee shalay gaaray magaalada Nayrobi, isagoo maalinta Talaadada ahna uga sii gudbi doono magaalada Sokoto ee Galbeedka dalka Nigeria,kadibna waxa uu magaalada abuja kulan kula qaadan doonaa Madaxweynaha Nigeria  Mohamed Buhari.

Hoos ka Dhageyso Codka:-