DEG DEG:- Xiisad ka taagan Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xiisad  ay ka taagan Mgaaladaas taas oo ka dhalatay Maamul loo sameynayo Degmada Baled-xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in Beelo ka mid ah kuwa dega Magaalada Baled-xaawo ay ka baxeen oo ay diidan yihiin in Maamulka Baled-xaawo laga sameynayo.

Dhanka kale waxaa Magaalada tagay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan, kuwaas oo doonaya in ay Xaliyaan Xiisada ka taagan Magaalada.

Magaalada Baled-xaawo ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland.

la soco wixii soo kordha…