Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu dhawaan furmi doono Kalfadhiga Saddexaad Ee Baarlamaanka Galmuudg.
Xareed Cali Xareed Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada Galmudug ugu baaqay in ay Mudo Saddex Cisho Gudahood ah ay ku yimaadaan Magaalada Cadaado islamarkaana ay ilaa 25-ka Bishaan deg deg u yimaadaan Cadaado.
Waxaa uu intaa ku daray Guddoomiye Kuxigeenka in Xildhibaanada ay Deg Deg Cadaado u yimaadaan si loo siiwado Shaqooyinka Baarlamaanka horyaalla.
Hoos ka Dhageyso Codka:-