Ciidamo booliis ah o si gaar ah u Tababaran ayaa la geeyay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Booliiska ayaa waxaa loogu tala galay iney qeyb ka noqdaan Sugida amniga guud ahaan Magaalada Jowhar oo lagu wado in uu dib ugu bilowdo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Taliyaha qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Maxamuud Xuseen Axmed ayaa sheegay in Ciidanka loogu talagay iney sugaan amaanka Magaalada Jowhar.
Waxa uu sheegay in Ciidanka ay yihiin kuwa si gaar ah u Tababaran oo muddo qalabeyntooda iyo Tababaradooda laga soo shaqeynaayay.
Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka bilowdo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka hor inta aysan dalka ka dhicin doorashooyinka.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-