Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay kordhinayso dhaqaalaha lagu taageeraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Xoghayaha arrimaha dibada dowladda Mareynkanka John Kerry ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay sare u qaadayso dhaqaalaha lagu taageeraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha dalka Kenya.
Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya gaar ahaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dowladda Mareykanku ay taageerayso Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkood dib ugu laabtan iyo sidoo kale kuwa doonaya in ay sii joogaan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Xoghayaha arrimaha dibada dowladda Mareynkanka John Kerry ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay dhinacyada waxbarashada , caafimadka iyo sidoo kale waxyaabaha ee aas aasiga ah ay ka taageerayso Qaxootiga Dhadhaab.
Waxa uu sheegay kuwo doonaya in ay dalkood dib ugu laabtan si aan Qasab aheyn in dowladda Mareykanku ay ka taageerayso waxyaabaha ay kunoolaa laahaayeen marka ay gaaran Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-