Baarlamaanka Dalka Liibiya oo War Cusub soo saaray

0

Baarlamaanka Dalka Libya ee magaalada Tobruk ayaa u codeeyay kalsoonida oo ay kala noqdeen dowladda Libya ee aqoonsiga haysata.

Afhayeenka baarlamaanka Libya ee saldhigiisu yahay magaalada bariga ee Tobruk, ayaa sheegay in baarlamaanka uu u codeeyay inay kala noqdeen kalsoonida dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Saamaynta ay codayntan yeelanayso lama hubo. Laakiin waxaa loo arkaa dib u dhac ku yimid dadaalka Qaramada Midoobay ay ugu jirto inay dowlad ka hirgaliso magaalo madaxda Tripoli, taasoo ujeedadu tahay inay joojiso dagaalka sokeeye iyo inay midayso waddanka.