Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ay maamulka Puntland ay kala hadleen suggitaanka amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobbolka Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado Qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug iyo sidoo kale maamulka Puntland ay si wadajir ah u suggi doonaan amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad 30 qof waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan .
Hoos ka Dhageyso Codka:-