Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadanka isutagga iImaaraadka Carabta kula kulmay dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyan ahna ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadankaasi
Llabada mas’uul waxa ay kulankooda kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dhinac , iyadoo sidoo kale ay isla soo qaadeen kor u qaadida iskaashiga ganacsig ,horumarinta, siyaasadda iyo amniga.
Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sida dib u dhiska wadanka iyo arimaha bulshada si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda argagaxisada isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda.
Shaikh Maxamed Bin Sayid ayaa carabta ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka la hiigsanayo oo ah horumar iyo kala dambeyn.