Qaabka Doorashada xildhibaanada oo wax laga badalayo iyo Khilaaf hor leh oo soo dhex galay Madaxda Soomaalida

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay meesha laga saaraan 51-ka xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo loo cuskanaya dhowr arrimood oo ay qeyb ka tahay amniga, dhaqaalaha iyo waqtiga oo aad u yar.

Guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in shirka soo socda ee Madasha Wada-tashiga Qaran ay hor-geeyaan qorshe ku aadan in laga kaaftoomo ergada soo xuleysa Xildhibaanada ee 51 xubnood, waxaana taa bedelkeed ay doonayaan in loo madax banaaneeyo odayaashii 135 oday ee soo xulay Baarlamaankii 2012-kii.

Qorshaha hada la wado ayaa ah mid u fududeyn karta Odayaasha inay dhaqse ku soo magacaabaan Xildhibaanada, maadaama haatan uu yaryahay waqtiga la heesto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda dowladda ay qorshahan wax ka wadaan, iyagoo ka arka danahooda, maadaama hadii 51 xubnood soo xulaan Xildhibaanada ay suura gal tahay inay meesha ka baxaan xubnaha ay wataan.

Waxaanan la ogayn sida ay arintaan ugu qanci karaan madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada kuwaas oo ku mideesan Madashaan iska leh go’aanka ugu daneeya.

Madaxda Dowlada oo haatan ka mid ah musharaxiinta inkastoo wali aysan shaacin marka laga reebo madaxweynaha ayaa waxay doonayaan inay saamayn badan ku yeeshaan baarlamaanka imaanaya.